Waxtarka geedkan aadka looga jecel yahay guryaha Soomaalida - BBC News Somali (2024)

Waxtarka geedkan aadka looga jecel yahay guryaha Soomaalida - BBC News Somali (1)

Xigashada Sawirka, Getty Images

Dhirtan aadka looga jecel yahay guryaha Soomaalida ee qorfaha ayaa mar loo isticmaali jiray lacag wax lagu iibsado ahaan.

Qorfuhu waxa uu leeyahay dhadhan fiican iyo ur diirran, taas oo ka dhigaysa mid caan ku ah c*nto karinta, gaar ahaan macmacaanka burka laga sameeyo iyo shaaha oo ay Soomaalida iyo dadyow kale u adeegsadan.

Jilifta gudaha ee geed yar oo mar walba cagaar ah ayaa laga diiraa qolofta kadibna qorraxdaa la dhigaa si loo qallajiyo, halkaasna waxaa ka samaysma jilifta aan naqaan ee qorfaha duuduuban.

Qorfaha sidoo kale waxaa laga dhigaa budo, umana baahanaysid inaad jikada dhexdeeda ku tunto.

Faa'iidada qorfaha

Waxtarka geedkan aadka looga jecel yahay guryaha Soomaalida - BBC News Somali (2)

Xigashada Sawirka, Getty Images

  • Waxaa ku jira macdan dhireed leh unugyo la dagaala sunta innaga soo gaadha c*ntada caadiga ah iyo hawada
  • Wuxuu leeyahay saamayn ilaalisa bararka
  • Wuxuu u wanaagsan yahay la dagaallanka caabuqa
  • Daraasad ayaa muujinaysa in qorfuhu uu ka hor tago hargabka iyo qabowga
  • Waxaa la filayaa inuu dheellitiro sokorta dhiigga
  • Waxuu u muuqdaa inuu qorfuhu hoos u dhigi karo halista iska caabbinta jirka ee qaraarka xamaytida (insulin)
  • Waxaa qorfaha ku jira macdan ka hor tagta asaasaqa/cantatabka
  • Inaad si joogta ah u isticmaasho qorafaha waxay hoos u dhigtaa dhiig karka
  • Wuxuu hoos u dhigaa heerka kolestaroolka
  • Waxuu soo celiyaa dheellitirka bakteeriyada caawisa dheefshiidka
  • Inkasta oo daraasaad badan loo baahan yahay haddana waxaa la qiyaasayaa in qorfuhu ka hor tago kansarka
  • Dhaqan ahaan qorfaha waxaa loo isticmaalaa in sare loogu qaado nadaafadda afka iyo ilkaha

Nafaqooyinka ka jira qorfaha

Waxtarka geedkan aadka looga jecel yahay guryaha Soomaalida - BBC News Somali (3)

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qorfaha, hal qaaddo oo qiyaastii 3 garaam ah waxaa laga helayaa:

  • 7 kiilo kalooris ah
  • garaam oo barootiin ah
  • 2 garaam oo kaarboonhaydaraat ah
  • 1.6 garaam oo faybar ah

Faa’iidooyinka caafimaad ee ugu sarreeya ee qorfaha

Wuxuu ka hor tagaa sunta jirka

Si la mid ah xawaashayada kale, qorfuhu wuxuu leeyahay macdan dhireed lagu magacaaabo Polyphenols taas oo jirka ka ilaalisa sunta

Waa isla macdantan halka ay ku jiraan faa’iidooyinka caafimaad ee qorfaha iyo sidoo kale caawinta dheefshiidka.

Wuxuu ka hor tagaa bararka jirka

Isla macdanta qorfaha ee ka hor tagta sunta ayaa gacan ka geysata saameynta ilaalinta bararka. Inta aan gaboobeyno tani waxay noqon kartaa mid waxtar leh, sababtoo ah habka caabuqa dabadheeraadku wuxuu si weyn ugu lug leeyahay horumarka cudurro badan oo la xiriira da'da.

Wuxuu la dagaallamaa bakteeriyada aan loo baahnayn

Qorfaha waxa loo malaynayaa inuu leeyahay dawooyin iyo faa’iidooyin caafimaad oo badan, waxaana si joogto ah loogu isticmaalaa dawooyinka dhirta Shiinaha. Urta gaarka ah iyo dhadhanka qorfaha waxay ka timaaddaa saliidaha lagama maarmaanka ah ee ku jira jilifta, oo loo yaqaan cinnamaldehyde.

Cinnamaldehyde waxay u muuqataa inay faa'iido u leedahay ka hortagga caabuqa bakteeriyada iyo fungal-ka.

Ka hor tagga fayraska

Cilmi-baarisyada qaar ayaa soo jeedinaya in qorfuhu uu ka hor tago fayruusyada qaar, waxaana ka mid ah influenza iyo fayraska kaneecadu qaaddo ee Dengue

Wuxuu hoos u dhigaa sokorta dhiigga, yareeyaana halista heerka labaad ee macaanka

Qorfuhu wuxuu caan ku yahay inuu gacan ka geysato maareynta sonkorta dhiigga. Waxay u muuqataa inuu tan ku sameeyo dhowr habab oo kala duwan, oo ay ku jiraan maaraynta qaddarka gulukooska ee gasha dhiigga.

Waxtarka geedkan aadka looga jecel yahay guryaha Soomaalida - BBC News Somali (4)

Xigashada Sawirka, Getty Images

Tijaabooyin bini'aadam lagu sameeyay ayaa muujinayo rajo waxayna soo jeedinayaan in qorfuhu uu saameyn dhexdhexaad ah ku yeelan karo dhimista xawaaraha sokorta dhiigga ee dadka qaba cudurka macaanka ee leh xakamaynta sonkorta dhiigga oo liidata.

Wuxuu kobciyaa shaqada Insulin-ka

Insulin waa hoormoonka ku shaqada leh inuu dhiigga kasoo qaado sokorta una gudbiyo unugyada oo ah halka looga baahan yahay sokortaas. Tani waxay ka dhigan tahay inuu wax fiican ka geysto qorfuhu dheelli tirka dheefshiidkeenna iyo heerarka tamarta.

Inta aan weynaanayno da‘ ahaan, waxaa suurta gal ah in jirkeennu iska difaaco insulin-ka waxayna tani carqaladayn kartaa dheelitirka sokorta dhiigga ugu dambeyna waxaa horseedi kartaa heerka nooca labaad oee sokorowga.

Iyada oo daraasado badan loo baahan yahay haddana waxay u muuqataa in qorfuhu leeyahay wax u dhaqmaya sidii insuliin-ka taas oo hoos u dhigaysa halista iska caabinta insulin-ka.

Wuxuu u roon yahay maskaxda duqoobaysa

Xaaladaha sida asaasaqa ayaa aad u badan marka aan duqowno, waxaana caadi ahaan keena sii xumaanshaha unugyada maskaxda. Cantatabka ama asaaqasa oo afka qalaadna loo yaqaan Alzheimers, ayaa ku dhaliya unugyada maskaxda barootiinka waxayna taasi gaabisaa sida qofku u fikiro iyo xasuusta.

Qorfaha waxa uu ka kooban yahay laba qaybood oo u muuqda in ay joojiyaan dhisitaanka borotiinnadaas. Inta badan cadaymahan waxa laga soo qaatay daraasaadka xoolaha iyo shaybaarka, sidaa awgeed waxa jira wax badan oo aan ka baran karno oo ku saabsan sida saamayntani inoogu faa'iideyn karto.

Maaraynta dhiig-karka

Waxaa jira caddaymo muujinaya in cunista joogtada ah ee qorfaha ay la xiriirto hoos u dhigista cadaadiska dhiigga ee muddada gaaban. Inkasta oo caddayntu ay u muuqato rajo, waa xilli hore waxaana loo baahan yahay tijaabooyin badan oo aan kala sooc lahayn oo waqti dheer ah.

Waxtarka geedkan aadka looga jecel yahay guryaha Soomaalida - BBC News Somali (5)

Xigashada Sawirka, Getty Images

Wuxuu naga ilaalin karaa cudurrada wadnaha

Cadaadiska dhiigga waxaa laga yaabaa inuusan ahayn qodobka kaliya ee khatarta wadnaha iyo xididada oo ay caawiso isticmaalka joogtada ah ee qorfe sidoo kale waxay u muuqataa inay saameyn togan ku leedahay dhimista dufanka dhiiga iyo sidoo kale heerarka kolestaroolka.

Caawinta dheef-shiidka

Qaar ka mid ah xawaashka, oo ay ku jiraan qorfuhu, waxay leeyihiin sifooyin prebiotic ah. In si joogta ah loo isticmaalo waxay kaa caawin kartaa soo celinta dheelitirka bakteeriyada xiidmaha, taageerto caafimaadka dheefshiidka iyo yaraynta dhibaatooyinka dheefshiidka.

Wuxuu ka hor tagi karaa kansarka

Inkasta oo caddaynta ilaa maanta ay ku xaddidan tahay tijaabooyinka shaybaarka iyo daraasadaha xayawaanka, qorfaha ayaa laga yaabaa inuu leeyahay wax ka hortaga kansarka. Marka tan la eego, xawaashku wuxuu u muuqdaa mid waxtar u leh dhimista koritaanka unugyada kansarka, xaddidaya samaynta xididdada dhiigga ee burooyinka iyo dilida unugyada kansarka.

Nadaafadda ilkaha

Dhaqan ahaan waxaa loo isticmaalaa budada qorfaha, nadaafadda ilka, ka hor tagga bakteeriyada afka iyo ilka ku dhalata iyo in aanu afku soo urin. Dad badan ayaa faa’iidadan hadda ku baraarugay isticmaalana.

Qof walba ma u wanaagsan yahay qorfuhu?

Waxtarka geedkan aadka looga jecel yahay guryaha Soomaalida - BBC News Somali (6)

Xigashada Sawirka, Getty Images

Inta badan dadku, qorfaha guud ahaan waxaa loo aqoonsan yahay inuu yahay mid badqab leh marka loo isticmaalo ku carfinta c*ntada iyo xaddi yar - wax aan ka badnayn 1 qaaddo maalintii ayaa loo arkaa inay badbaado u tahay dadka waaweyn intooda badan. Xaalado dhif ah, dadka qaar ayaa laga yaabaa inay dareemaan xasaasiyad.

Inta badan qorfaha laga soo iibsado dukaamada waaweyn waa noocyo kala duwan oo loo yaqaanno Cassia cinnamon - tani waxay leedahay dhadhan xoog badan waana raqiis in la iibsado. Si kastaba ha ahaatee, waxa ku badan qorfahan wax loo yaqaan coumarins, kuwaas oo qiyaaso badan laga yaabo inay keenaan sumow.

Haddii xaddi badan laga isticmaalo qorfaha waxa laga yaabaa inuu la falgalo dawooyinka la soo qoray, oo ay ku jiraan kuwa sonkorowga, wadne xanuunka iyo beerka.

Waxtarka geedkan aadka looga jecel yahay guryaha Soomaalida - BBC News Somali (2024)

References

Top Articles
My fiancée was full of love as she gave birth to twins - minutes later she died
3 personnes par jour au Québec : prévenenons le suicide
DPhil Research - List of thesis titles
Botw Royal Guard
Www.craigslist Augusta Ga
Arrests reported by Yuba County Sheriff
Nordstrom Rack Glendale Photos
Bank Of America Appointments Near Me
Snowflake Activity Congruent Triangles Answers
Chris Hipkins Fue Juramentado Como El Nuevo Primer Ministro De...
180 Best Persuasive Essay Topics Ideas For Students in 2024
104 Whiley Road Lancaster Ohio
Dallas Cowboys On Sirius Xm Radio
Georgia Vehicle Registration Fees Calculator
Ratchet & Clank Future: Tools of Destruction
20 Different Cat Sounds and What They Mean
Outlet For The Thames Crossword
Cain Toyota Vehicles
Southland Goldendoodles
Breckiehill Shower Cucumber
Yale College Confidential 2027
Cfv Mychart
HP PARTSURFER - spare part search portal
*!Good Night (2024) 𝙵ull𝙼ovie Downl𝚘ad Fr𝚎e 1080𝚙, 720𝚙, 480𝚙 H𝙳 HI𝙽DI Dub𝚋ed Fil𝙼yz𝚒lla Isaidub
Kacey King Ranch
Willys Pickup For Sale Craigslist
Syracuse Jr High Home Page
Giantess Feet Deviantart
2012 Street Glide Blue Book Value
Ket2 Schedule
Montrose Colorado Sheriff's Department
Daily Jail Count - Harrison County Sheriff's Office - Mississippi
Mckinley rugzak - Mode accessoires kopen? Ruime keuze
R/Moissanite
M Life Insider
Entry of the Globbots - 20th Century Electro​-​Synthesis, Avant Garde & Experimental Music 02;31,​07 - Volume II, by Various
Jetblue 1919
At Home Hourly Pay
Kb Home The Overlook At Medio Creek
Unitedhealthcare Community Plan Eye Doctors
Tfn Powerschool
Anthem Bcbs Otc Catalog 2022
Rocket Lab hiring Integration & Test Engineer I/II in Long Beach, CA | LinkedIn
Avance Primary Care Morrisville
Doe mee met ons loyaliteitsprogramma | Victoria Club
Lesson 5 Homework 4.5 Answer Key
Joy Taylor Nip Slip
Richard Mccroskey Crime Scene Photos
Urban Airship Acquires Accengage, Extending Its Worldwide Leadership With Unmatched Presence Across Europe
28 Mm Zwart Spaanplaat Gemelamineerd (U999 ST9 Matte | RAL9005) Op Maat | Zagen Op Mm + ABS Kantenband
Tamilblasters.wu
Latest Posts
Article information

Author: Tuan Roob DDS

Last Updated:

Views: 5709

Rating: 4.1 / 5 (42 voted)

Reviews: 81% of readers found this page helpful

Author information

Name: Tuan Roob DDS

Birthday: 1999-11-20

Address: Suite 592 642 Pfannerstill Island, South Keila, LA 74970-3076

Phone: +9617721773649

Job: Marketing Producer

Hobby: Skydiving, Flag Football, Knitting, Running, Lego building, Hunting, Juggling

Introduction: My name is Tuan Roob DDS, I am a friendly, good, energetic, faithful, fantastic, gentle, enchanting person who loves writing and wants to share my knowledge and understanding with you.