Xajka: Xilligii Kacbada la weeraray ee la xaday xajarul-Aswadka oo ka mid ah mararkii uu baaqday xajka - BBC News Somali (2024)

Xajka: Xilligii Kacbada la weeraray ee la xaday xajarul-Aswadka oo ka mid ah mararkii uu baaqday xajka - BBC News Somali (1)

Xigashada Sawirka, Reuters

Article information
  • Author, Maxamed Guure
  • Role, Qoraa

Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa markii ugu horraysay muddo labo sano ah waxa ay fasaxday in Muslimiinta dibedda ay gudan karaan Xajka.

Hal milyan oo qof oo ku nool gudaha iyo dibedda Sacuudiga ayaa sanadkan fursad u heli doona gudashada mid ka mid ah tiirarka ugu muhiimsan Islaamka, kaasoo sanadihii 2020 iyo 2021 u baaqday xanuunka Covid-19 awgii.

Haddaba, waxaa suuragal ah in booqashada xajka ee saameynta COVID-19 awgii labadii sano ee la soo dhaafay, ay dad badan u arkaan dhacdo ugub ah oo aan horey u soo marin dunida Islaamka.

Xajka: Xilligii Kacbada la weeraray ee la xaday xajarul-Aswadka oo ka mid ah mararkii uu baaqday xajka - BBC News Somali (2)

Xigashada Sawirka, Getty Images

Balse sooyaalka taariikheed wuxuu na barayaa in marar badan uu baaqday xajka gabi ahaanba ama qeybo badan oo ka mid ah dunida Islaamka aan laga soo xajinin, sababo kala duwan dartood, kuwaas oo isugu jira cabsi dhanka ammaanka ah oo dagaalada ay sababaan iyo cudurrada faafa oo Iyana horseeday hakadka isu socdka dadka, oo Xujaajta ay qey ka yihiin.

Haddaba maqaalka waxaan ku eegeynaa waqtiyadii ugu caansanaa ee acmaasha Xajku ay hakad gashay iyo sababaha keenay

Imisa jeer ayuu Xajku u baaqday qalqal amni dartii?

Taariikhyannada waxey wariyaan in acmaash xajka ay baaqatay ku dhawaad 10 jeer, waaxaana sababay arrimo la xiriiray dhanka amaanka, ama ha ahaato jidkii loo aadi lahaa oo aan la mari waayay, burcad isbaaro dhigatay awgeed, ama dagaallo ka aloolsamay magaalda Maka iyo agagaarkeeda, waxaanna ka xusi karnaa dhacdooyinkaas kuwa soo socda:

1- Duulaankii Abraha (570-571 dhalashadii Nabi ciise ka dib

Xajka marka laga soo tago in uu yahay mid ka mid ah shanta tiir ee diinta Islaamka, haddana waa sunno so jireen ah oo uu jideeyay Nabi Ibraahim (Nabadgalyo iyo Naxariis korkiisa ha ahaatee), si taxana ahna u soo socotay oo xitaa casrigii jaahiliga aan kala go`in.

Taariikhda qoran ee ilaa iyo hadda la hayo waxey tilmaameysaa in markii ugu horreysay ee acmaasha xajku baaqto ay aheyd sanadkii 570-571 dhalashadii Nabi ciise kadib. Carabtu waxey u taqaaney sanadkii Maroodiga, waana sanadkii uu dhashay Nabi Moxamed NNKH.

  • Laba arrimood oo ku saabsan sida kacbada loo dhaqo
  • Qabsashadii Kacbada ee beddeshay taariikhdii Sacuudiga

Xajka: Xilligii Kacbada la weeraray ee la xaday xajarul-Aswadka oo ka mid ah mararkii uu baaqday xajka - BBC News Somali (3)

Xigashada Sawirka, Getty Images

Sannadkan waxaa magaalada Makah ku soo duulay mid ka mid ah boqorradii Xabashida oo lagu magacaabi jiray Abraha, isaga oo watay ciidan fara badan oo ku hubeysanaa raxan Maroodiyaal ah oo u carbisan dagaalka.

Suuradda 105 aad ee Qur`aanka kariimka ah oo ku magac dheer suuradda Maroodiga, ayaa ka faalooneysa qisada duulaankaas iyo mucjisadii qabsatay Abraha ee u horseeday jabka.

2- Dilkii Cabdullahi Bin Zubeyr (693 dhalashadii Nabi Ciise kadib)

Wixii ka dambeysay soo ifbixii Islaamka, markii ugu horreysay ee uu Xajka baaqday, waxey ahayd Sannadkii 693 taariikhda Milaadiga.

Sannadkaas waxaa magaalada Makah ka dhacay dagaal u dhaxeeyay ciidmo taabacsan dawladdii Umawiyiinta oo ka mid ah boqortooyooyinkii dunida Islaamka soo xukumay intii u dhaxeysay 41- 132 ee tirsiga sannadka hijriyada, iyo ciidamo taabacsan Cabdullaahi Bin Zubeyr oo hoggaaminayay falaago ku kacsan Umawiyiinta.

Ciidamadii Umawiyiinta waxey ku guuleysteen in ay soo afjaraan kacdoonkii Cabdullaahi Ibnu Zubeyr, ka dib markii la dilay, wuxuuna burbur soo gaaray Kacbadada sharafta leh.

3- Xasuuqii kooxda Qaraamidada ee magaalada Makah ay ka geysteen

Dhacdooyinka ugu caansan taariikhda ee sababay in uu xajku baaqdo waxaa ka mid xasuuq magaalada Makah ay ka geysteeteen koox ku caan baxday magaca Al-qaraamida, oo ah koox diimeed ka farcantahay mid ka mid ah firqooyinka shiicada ee Ismaaciiliyada loo yaqaan.

Kooxda oo uu aasaasay nin lagu magacaabayay Xaamid Alqirmidi, waxay soo shaac baxday dhamaadkii qarnigii 4-raad ee hijiriga oo ku beegan bilowgii qarnigii 11-aad ee miilaadiga.

Kooxdani Waxey aaminsaneyd in acamaasha xajka ay ka mid tahay dhaqamo ka haray jaahiliyaddii oo ay tahay waajib diini ah in la mamnuuco.

Sannadkii 317 ee hijriga oo ku began 930 miilaadiyada, Abdu Dahir Alqirmidi, oo hoggaaminyay kooxda Qaraamidada, ayaa weerar ku qaaday magaalada Maka, iyada oo lugu guda jiray gudashadii acmaashii Xajka.

Wuxuu halkaas ka geystay xasuuq ba`an oo sababay in kudhawaad 30 kun oo xaaji ay ku dhintaan xaramka iyo dacalada magaalada Makah.

Xajka: Xilligii Kacbada la weeraray ee la xaday xajarul-Aswadka oo ka mid ah mararkii uu baaqday xajka - BBC News Somali (4)

Xigashada Sawirka, Alamy

Abuu Daahir wuxuu bililiqeystay sijaayadihii kacbada sharafta leh lugu qurxin jiray, wuxuu aasay ceelka ay biyaha Zamzam ka burqanjireen, isaga oo ku daadiyay meydadka xujaaydii uu ku dilay kacbada dhexdeeda.

Wuxuu horay u sii qaatay Xajarul aswadka oo tobanneeyo sano ka maqnaa xaramka, ilaa mar danbe dib looga soo celiyo markii ay kooxda Qaraamidada jabaeen.

Dhacdadaan aadka u xanuunka badan waxey keentay in kudhawaad 10 sano aysan Muslimiinta gudannin acmaasha Xajka.

Cudurrada safmareenka ah

Marar badan ayuu Xajka u baaqday cudurro safmareen ah aawadood, sida Kalooraha ama shuban-biyood, Furuqa IWM, oo kadillaacay meello kala duwan oo ka tirsan dundda Islaamka.

Cudurradaa sababay baaqasshada xajka, waxaa ugu caansanaa oo taariikhda ku xusan kuwan hoos ku qoran:

1- Cudurka Almaashiri (357-358 hijriga)

Cudurkan oo safmareen ahaa, tariikhda ma aysan xusin sababaha dhaliyay. Wuxuu ku caan bayay magaca Almaashiri oo ah meeshii uu ka soo bilowday ah.

Wuxuu si baaxad leh ugu faafay Magaalada Makah iyo agagarkeeda, intii u dhaxeysay sannadihii 357 iyo 358 ee hijriga.

Waxaa xanuunkaas u geeriyooday dad badan, wuxuuna sababay in la hakiyo acmaashii xajka si loo xakameeyo faafidiisa.

Xajka: Xilligii Kacbada la weeraray ee la xaday xajarul-Aswadka oo ka mid ah mararkii uu baaqday xajka - BBC News Somali (5)

Xigashada Sawirka, Alamy

2- Kaloorihii Hindiya (1246 hijriga)

Cudurkan safmareenka ahaa ayaa isna sababay in uu hakad galo Xajka, sannadkii 1831 ee miilaadiga oo ku beganayd 1246, sannadka hihriga.

Cudurkan oo markiisii ugu horreysay ka bilowday magaalada Kolkata ee ku taalla dalka Hiniya ayaa dunida oo idil ku faafay ilaa uu soo gaaro dhulka loo yaqaanno Xijaaz, oo magaalooyinka barakeysan ee Makah iyo Madiina ay dhacaan.

3- Furuqii Xijaaz

Cudurkan oo dillaacay sannadkii 1814-kii ee miilaadiyada, wuxuu sabab u noqday isna in komannaan kun oo Muslimiin ah aysan sannadkaas xajinin, iyaga oo ka baqayay cudurkan safmareenka ah oo horay u sii galaaftay ku dhaaad 10-kun oo qof oo daganeyd dhulka Xijaaz.

Dhammaad

Inkastoo taariikhyahannada aysan isku raacsaneyneyn inta jeer ee xajka uu baaqday, haddana waxaa la dhihikaraa, waa illaa labatameeyo jeer oo Muslimiinta aysan gudan tiirka shanaad ee Islaamka sababo kala duwan awgood oo qaarkood aysan kor ku soo xusnay.

Mararka qaar waxaa dhici jirtay in dhowr sanadood oo xiriir ah aan cidina cagaha soo dhigin magaalada Makah iyadoo laga baqayay cudurro faafa oo ka dilaacay magaalada Makah iyo agagaarkeeda, ama laga cabsanayo dagaal socday.

Cudurka COVID-19 oo fara ba`an ku haya dunida ayaa sannadkii 2-aad wuxuu sababay in xajka uu ku koobnaado keliya dadka dagan Sacuudiga, lamana saadaalinkaro inta sanadood ee uu sii cuuryaamindoono acmaasha Xajka.

Xajka: Xilligii Kacbada la weeraray ee la xaday xajarul-Aswadka oo ka mid ah mararkii uu baaqday xajka - BBC News Somali (2024)

References

Top Articles
Latest Posts
Article information

Author: Nathanial Hackett

Last Updated:

Views: 5729

Rating: 4.1 / 5 (52 voted)

Reviews: 91% of readers found this page helpful

Author information

Name: Nathanial Hackett

Birthday: 1997-10-09

Address: Apt. 935 264 Abshire Canyon, South Nerissachester, NM 01800

Phone: +9752624861224

Job: Forward Technology Assistant

Hobby: Listening to music, Shopping, Vacation, Baton twirling, Flower arranging, Blacksmithing, Do it yourself

Introduction: My name is Nathanial Hackett, I am a lovely, curious, smiling, lively, thoughtful, courageous, lively person who loves writing and wants to share my knowledge and understanding with you.